Somali News

Deg Deg: Mukhtaar roobow oo laga saaray Deegaankii uu Ku noolaa

Kooxada Al-shabaab ayaa Saaka weerar ku qaaday Xarun uu mudo ku dhuumaleysanayay Mukhtaar roobow Cali halkaas oo ka dhacay Dagaal xoogleh ayaa wararka saxda ah ee aan helnay waxay sheegayaan in laga itaal roonaaday Mukhtaar roobow iyo ciidankiisa.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray ciidanka Mukhtaar iyo shabaab.

ciidanka Mukhtaar ayaa waxaa la sheegayaa in laga qabsaday gawaari askarna laga dilay halka shabaabna askar iyana laga laayay.

Xaalada deegaankii laga dagaalamay ayaa wali ah mid kacsan iyadoo Ciidankii laga saaray halkaas iyo Mukhtaar Roobow ay wax yar u jiraan deegaanka deegaankana waxaa haysta Al-shabaab.

Latest News

To Top