Somali News

Deg Deg: Mukhtaar Roobow oo ku wajahan Degmada Xudur

Warar hada aan helyno ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow uu ku wajahan yahay Degmada Xudur ee Xarunta GobolkaBakool.

Qaar kamid ah shacabka Ku nool deegaanka Abal ee gobolkaas ayaa waxay inoo sheegeen in Mukhtaar uu uruqaan saday dhanka Xarunta bakool ee xudur.

Warkan ayaa waxaa uu imaanayaa ka dib markii shalay dagaal xoogleh Mukhtaar uu lagalay Al-shabaab dagaalkaas oo lasheegay in Mukhtaar Ciidankiisa laga itaal roonaaday Balse xaga dhimashada ay ku badnaayeen Al-shabaab.

Warkale ayaa waxaa uu sheegayaa in mukhtaar wali ku sugan ayahay Deegaanka Ciidamadii Xalay soo gaaray ee doonayay in ay caawiyaan Mukhtaarna dib ugu laabtay Xudur.

Hadii ay rumowdo in Mukhtaar uu aaday xudur waxaa suura gal ah in Maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda federaalka soomaaliya ay u yeereen.

Wixii ku soo kordha kala soco Tusmotimes.com

 

Comments

comments

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
Seo wordpress plugin by www.seowizard.org.