Somali News

Deg-Deg: Gaari looga shakisanyahay qarxa oo la dhigay meel aan ka fogeyn isgoyska Zoobe

Ciidamada Xasilinta Amniga Muqdisho ayaa xiray isgoyska zoobe ee Magaalada Muqdisho ilaa laga gaaraa isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho halkaas oo la soo dhigay gaari nuuca raaxada ah oo aan la aqoon cidda leh kaas oo laga cabsi qabo in ay ku jiraan waxyalaha qarxa.

Gaariga ayaa muddo saacada ah yaalay meeel shidaalka lagu iibiyo halkaas oo shaqsigii watay kaga tagay waxaana miraayadaha gaariga ay yihiin kuwo mugdi ah oo aan dhexdiisa waxba laga arki karin.

Ciidamada aammanka DFS ayaa weli wada baaritaano ku aadan waxa uu yahay gaarigaasi.
wixii ku soo kordha kala socoTusmotimes.com.

Latest News

To Top