Wararka Soomaaliya

Dagaal xoogleh oo Galabta Ka dhacay inta udhexeysa Jowhar iyo Balcad

Ciidanka Soomaaliya qeebtooda jooga Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa saaka waxay ka soo Kala tageen Magaalada Jowhar iyo Degmada Balcad.

Ciidanka ka soo baxay Jowhar ayaa waxaa uu u jeedkooda,ahaa sifaynta wadada xiriirisa labada Magaalo.

Ciidanka kale ee ka soo  baxay Balcad ayaa dhankoodu wuxuu ahaa u jeedkoodu jaritaanka Dhirta Xirtay wadadaas udhaxeysa Balcad iyo Jowhar ee dhirta xirtay.

Markii labada dhinacba howhsha ay meel gabagaba ah umarayso ayaa labadaas Ciidanba qabsaday Dagaal ay soo qaadeen Al shabaab.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu socday saacado farabadan.

Waxaa uu sababay Khadaaro lixaadleh oo labada dhinacba soo wada Gaaray.

Tuulada dagaalkaas uu ka dhacay ayaa waxaa lagu magacaabaa isgoys.

Deegaankaas ayaa hadda waxaa ku sugan Ciidanka soomaaliya.

Al shabaabkii soo qaaday dagaalka ayaa waxaa la sheegayaa in ay ucarareen dhulka miiga ah oo markii horaba  ay ka soo duulaan galeen.

Tuulada isgoys waxaa caawa iskuugu yimid Ciidankii ka yimid Jowhar iyo Ciidankii ka soo baxay Balcad xaaladana Waa mid degan caawa.

 

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top