Wararka Soomaaliya

Dagaal Xoogan oo Maanta Dhexmaray Al Shabaab iyo Dowladda Soomaaliya

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya qeebtooda Bancraveta ayaa Duhuradii Maanta Dagaal kula wareegay Deegaanada Awdhiigle iyo Mubaarak ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Ciidankan Bancraveta ayaa waxaa la sheegaya in howlgal ay ka sameeyeen Deegaanka Awdhiigle ka dibna Dagaal Xoogleh ay kala hor yimaadeen Ciidanka Al Shabaab.

Dagaalkaas ayaa waxaa wararku ay sheegayaan in Shabaabka loogu dilay Awdhiigle 8 Askari halka dhaa wacoodana lasheegayo in uu gaarayo 10.

Ciidanka Dowladda ayaa dhankooda waxaa lasheegay in Dagaalkaas loogu dilay 6 Halka dhaawacooda uu gaarayo 11.

Ciidanka Bancraveta ayaa Markii danbe lawareegay Awdhiigle waxayna uruuqaansadeen Deegaanka kale ee lagu magacaabo Mubaarak.

Deegaanka Mubaarak ayaa Ciidanka Soomaaliya Kula wareegay Sinabad ah.

Sargaal uhadlay Bancraveta waxaa uu sheegay in Janaale ay ku wajahanyihiin.

Ciidankii Shabaabka ayaa wararku waxay sheegayaan in ay ucarareen dhulka keynta ah ee Gobolkaas.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top