Wararka Soomaaliya

Dagaal xoogan oo ka dhacay Deegaanka Seyniilow

Deegaanka Seyniilow oo 45 KM ujira Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxaa saaka ku dagaalamay Al-shabaab iyo ciidan uu hogaaminayo sargaalka layiraahdo Mukhtaar Roobow cali Abuu Mansuur oo horay Shabaab ugu soo koostay.

Dagaalka ayaa waxaa qaaday Mukhtaar roobow oo ah sargaal hadda ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxaana wararka aan helnay uu sheegayaa in Shabaab dagaalkaas Gawaari loogu gubay Ciidan farabadana laga laayay sida uu Tusmotimes.com u sheegay Mukhtaar roobow cali.

Sargalkan ayaa waxaa uu intaas warkiisa ku daray in dhinciisa ciidanka uu wato wax khasaaro ah soo gaarin deegaankii lagu dagaalamayna asaga iyo ciidankkiisa ay joogaan.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top