Wararka Soomaaliya

Dagaal khasaaro dhaliyay oo ka Taagan Tukaraq

Ciidanka Maamulka Soomaaliland ayaa saaka waxay weerareen Deegaan layiraahdo Tukaraq oo u dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

Deegaankan ayaa waxaa dhowaan Booqday  Wasiirka Qorshaynta iyo Maal Gashiga Xukuumadda Soomaaliya iyo Saraakiil Maamulka Puntland ah.

Mas,uul uhadlay Maamulka Soomaaliland oo lahadlay Saxaafadda waxaa uu booqashadaas ku tilmaamay Mid Sharcidaro ah.

Deegaankaas ayaa waxaa saaka qabsaday Ciidanka Soomaaliland waxaana Markii dambe ku soo rugaal celiyay Ciidanka Puntland halkaas waxaa ka dhacay Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac farabadan oo soo Kala gaaray labada  dhinac.

Wali deegaanka waxaa ku sugan Ciidanka Soomaaliland.

Dagaalkan ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya uu ku sugan yahay Magaalada Garowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland.

Ujeedka Ciidanka Maamulka Soomaaliland ay uweerareen deegaanka ayaa waxaa lagu macneeyay ka hortagida Booqashada Madaxweyne Farmaajo uu ku tagi lahaa deegaankaas iyo Deegaano kale oo ka mid ah deegaabada labada Maamul ay ku muran sanyihiin.

 

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top