Somali News

Cosoble oo Xilka ka Qaaday Wasiirkii Maaliyadda

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa maanta  xilka ka qaaday Wasiirkii Maaliyadda Maxamed Maxamuud Cabdulle, kaa soo xilkan hayay tan iyo horaantii sanadkan markii uu magacaabay Golihiisa wasiirada.

Xil ka qaadista ayaa lagu tilmaamay inay qeyb ka tahay qorshayaasha uu Maamulka Hirshabeelle ku doonayo inuu ku yeelanayo ilo dhaqaale.

Wasiirka cusub ee Maaliyadda ayaa waxaa loo magacaabay Zakiriye Cabdi Xaraare oo horay u ahaa Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hir-shabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa saacadihii la soo dhaafay la hadal hayay inuu isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada, hase ahaatee ugu dambeyn xafiiska Madaxweynaha waxaa ka soo baxday oo kaliya xil ka qaadista Wasiirkii Maaliyadda iyo Wasiir cusub oo loo magacaabay wasaaraddaas.

Maamulka Hir-shabeelle oo la dhisay sanadkii la soo dhaafay ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay maamulada ugu wax qabadka yar marka loo eego maamul goboleedyada kale, inkastoo uu maamul curdun yahay, hadana wasiirada tirada badan ee uu leeyahay maamulkaas ayaan ku shaqeyn magaalada Jowhar, iyagoo inta badan ku sugan magaalada Muqdisho, mana jiro illaa iyo hadda wasiir leh xafiis iyo meel  loogu soo hagaago.

Dhinaca kale Madaxweynaha Hir-shabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa lagu wadaa inuu galabta soo aado magaalada Muqdisho, halkaasoo muddo deegaan u aheyd, waxaa la sheegaa in tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha ay aad u yareyd joogistiisa Jowhar, isagoo inta ugu badan waqtigiisa ku qaata magaalada Muqdisho.

Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii uu dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hir-shabeelle, tan iyo markii uu ka soo tagay horaantii bishii May.

Dhinaca kale Cosoble waxaa ku kacsan intabadan Baarlamanka Maamulkaas

Latest News

To Top