Wararka Soomaaliya

Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo Qabsaday Degmo istaraatiiji Ah

Muqdisho(Tusmo Times:Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo Galabta ka ruuqaansaday Degmada Baraawe ee Shabeelaha Hoose ayaa Caawa Maqribkii usuura Gashay in sinabad ah kula wareegaan Degmada Sablaale ee Gobolkaas oo ay Sanadihii danbe ku xooganaayeen Kooxda Al Shabaab.

Ciidankii Shabaab ee ku sugnaa Sablaale ayaa waxaa lasheegayaa in ay Faaruqiyeen Sablaale ka dib Markii ay ka warheleen in lagu soo wajahan yahay sida Aan ka soo xiganay Qaar ka mid ah Shababka Sablaale.

Ciidanka Militariga Soomaaliya ee Caawa qabsaday Degmada Sablaale waxaa Barataaraya Ciidanka Amisom.

Dhinacakale War uu helay Tusmo Times ayaa sheegaya in Ciidanka huganta ah ee Soomaaliya iyo Amisom Markii xoogaa ay joogeen Sablaale ay dib ugu soo baxeen Degmada, haatana ay joogaan Duleedka Sablaale.

Sablaale hadda cidna kuma sugna Markii laga reebo Shacabka halkaas degan.

Sablaale waxay isku xirtaa Degmolyinka Marka,Baraaw iyo Af Gooye Ciidii qabsatana waxay muhiim utahay in ay iskiiga Kala Gooshaan Degmooyinkaas.

Qabashada iyo ka soo bixitaanka Sablaale ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo Shalay Shabaab Dagaal looga saaray Deegaanada Mubaarak iyo Awdheegle iyadoo Markii danbena iskood iskiiga soo baxay haatana Deegaanadaas ay joogaan Al Shabaab.

Qabashada iyo ka bixitaanka Deegaanada ay Maamulaan Shabaab ayaa waxaan wax ka weydiinay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax wuxuuna Tusmo Times usheegay in Xaalad Militari ay tahay Falalkaas.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top