Somali News

Ciidanka Xasilinta Muqdisho oo lahelay Xog ayaga ku saabsan

Ciidanka Xasilinta Muqdisho ayaa waxay muqdisho ka dhigeen inta badan nabad galyo in kastoo mar mar ay wax dhacaan.

Waxay shaqadan ay hayaan mudo ku dhow afar bilood waxaana aad uyaraaday qaraxyadii iyo dilalkii joogtada ahaa.

iyadoo taas ay jirto ayaa waxaa hada la,arkay dhalan yaro hubaysan oo ku labisan dharka xasilinta oo gaadiidka PLka dad weynaha ka qaadaya galabtii iyo subixii hore lacag aan ka badneen 10 gaarigiiba.

Dhalan yaradaan ayaa waxay isku raacaan koox koox waxayna fariistaan inta u dhaceysa Tarbuunka iyo halaka wadada Taleex ugu dhacdo wadada KM4 ee degmada hodan.

Waxay kaloo fariistaan Cisbitaalka digfeer iyo inta u dhaceysa isgoyska Banaadir ilaahada lama kala yaqaano in hal ciidan yihiin iyo in kale.

Shacabka Muqdisho ayaana layaaban durba ceebta ay la soo baxeen ciidanka xasilinta Muqdisho.

Latest News

To Top