Somali News

Ciidamadii iyo Saraakiishii Shalay Rabshadaha Ka sameeyay Madaxtooyada Horteeda oo Laxaqiijiyay in Xabsiga Loo taxaabay

Ciidamadii iyo Saraakiishii Shalay Rabshadaha Ka sameeyay Madaxtooyada Horteeda oo Laxaqiijiyay in Xabsiga Loo taxaabay

Wasiirka Wasaarada Amniga Soomaaliya  Maxamed Abuukar Isloow Ducale ayaa sheegay in Ciidamada xasilinta amniga howlgalladii ay ka wadeen Magaalada Muqdisho ay siiwadi doonaan islamarkaana shacabku aysan ka niyad jebin.

Waxa uu sheegay in dadkii ku lugta lahaa dagaaladii ka dhacay shalay muqdisho Xabsiga loo taxaabay islamarkaana uu ku socdo baaritaan hadii ay wax ku cadaadaana talaabo laga qaadi doono.

“Ciidamadii shalay rabshadaha sameeyay iyo Saraakiishoodaba Waan xirnay sharciga ayaana marsiinaynaa.

Cid sharciga ka weyn majiro cid kasta sharciga wuu qabanayaa ayuu yiri wasiir Islow “

Sikastaba shalay ayaa waxaa muqdisho ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada Meleteriga iyo kuwa Nabad-Sugida dagaaladaas oo ay ku geeriyoodeen Askar iyo waliba Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabad-Sugida.

Latest News

To Top