Somali News

Ciidamada Amaanka Soomaaliya oo Saaka soo qabtay Shakhsiyaad Waraaqo Digniin ah Ku daadiyay Qaar Ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir Daawo Sawirada

Howl gal saaka ka dhacay Degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qabtay shakhsiyaad xalay waraaqo ku daadiyay Degmada War dhiiglay iyo Degmada Dharkeenlay.

War qaaha ladaadiyay ayaa waxaa ku qornaa Digniin ku saabsan Qal qal galinta Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ka muuqata in shabaab ay ka timid war qadaan.

Ciidankan ayaa waxay ukuur Galeen halka laga soo daabacay iyo cidda daabacday ka dibna waxaa la soo qabtay sedax qof oo waraaqahaas Markale ay daabacayeen si Degmooyin kale loogu daadiyo.

Madbacadda Daabacday war qadaan ayaa  waxaa la yiraahdaa Inaa fatax oo ku taala Degmada Dharkeenlay halkaas ayaana laga soo qabtay.

Shakhsiyaadka laqabtay ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Nuur oo ah shaksi Caan ka ah Soomaaliya Gaar ahaan Muqdisho waxaana lagu yaqaanay in uu iska dhig dhigo Codadka Siyaasiyiinta iyo saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Waxaana uu ku howl gali jiray mikarafoon uu shacabka Xarumaha ay ku badan yihiin kula hadli jiray ka dibna Siyaasiyiinta iyo saxafiyiintaba codadkooda uu ka jeedin jiray bulshada dhax dooda.

Sanadihii danbe ayaa waxaa uu labaxay Idaacadda Wareegta wuxuuna iibsan jiray waraaqo daabacan oo ay ku qoran yihiin waxyaabo shacabka ka qosoliya.

Waa ninkan Midibkiisa madow yahay ee Foorar ee Taliyaha wada hadlayaan

 

a

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top