Somali News

Ciidamada Amaanka Soomaaliya oo Gacanta Ku dhigay Gaarigii Dilalka Ka gaystay degmooyinka Muqdisho iyo ragii Wadayba Daawo Sawirada

Ciidamada Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxay howl Gal ka sameeyeen Degmada Dharkenlay ee Gobolka Bnaadir ka dib Markii ay bateen dilalka joogtada ah ee ka dhaca Degmooyinka Gobolka.

Dhowaan waxaa weerar qorshaysan ka badbaaday Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya Senater Xuseen Cali Xaaji Cabdalla,Waxaa ka loo Dil qorshaysan Ka badbaaday Gudoomiye ku xigeenka Degmada Dharkenlay Mudane Shaarkay iyo Zahro Cumar malin oo ka mid ah Baarlamanka Soomaaliya oo iyana ka badbaaday weerarkaas,dhamaan weraradaas ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Mas`uuliyiintan ayaa Markii la weerarayay Gawaaridooda  waxay ahaayeen kuwo ka maqnaa Gawaaridooda oo waxa asaarnaa oo kaliya dad ay ehel yihiin iyo wadayaashooda Gawaaridaas.

Howlgakii xalay ayaa waxa ala gu soo qabtay Gaari NOAH ah oo Taargadiisa ay tahay AF 4121 isla markaana ay saarnaayeen Sedax qof oo dhalan yaro ah oo hubaysnaa kuna hubaysnaa Qoryo kala gidisan sida AK47,daba jeex iyo Bistoolado.

Waxaana dhalan yaradaas loo gudbiyay Xabsiga Godka jilacow

Maxamed daahir oo ah Taliyaha  Saldhiga Galbeed ee Degmada Dharkenlay oo soo bandhigay Gaarigan ayaa saxaafada u sheegay in ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan gaarigii Xamar wareeriyay.

Taliyaha ayaa warkiisa intaas ku daray in Ragan ay sameyn jireen Gaariga in Marba Taargo horleh ay ku xiraan si aan loo garanin markii ay fal geystaan.

 

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

Latest News

To Top