Somali News

Cali Cabdulaahi Cosoble oo Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Dacwo Ugudbiyay

Madaxweynihii kal soonida ka waayay Baarlamanka Maamulka Hir-shabelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa Dacwad ugudbiyay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ka dib markii 14 Bishii hore Kal soonida ay kala laabteen Baarlamanka Maamulkaas.

Dawcwada uu hada hudbiyay Cali cabdulaahi ayaa waxaa la sheegayaa in ay tahay mid lagudbiyay xiligii ku habooneed.

Siyaasiyiinta,Aqoonyahanada,ururada Bulshada rayidka iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ee labada Aqal ayaa waxay soo dhaweeyeen Dacwada uu gudbiyay Cali Cabdulaahi Cosoble.

Bulshada qeebeeheeda kala duwan ayaa waxay sheegayaan in ay suura gal tahay in Maxkamadda ay ku dhawaaqdo go,aankii Baarlamanka Mamulka Hir-Shabelle in uu yahay mid aan weaxba ka jirin.

Dhinaca kale waxaa la joojiyay Abaabulkii doorashada Madaxweynaha Maamulkaas ilaa maxkamada ay war ka soo saareysoin uu hakad ahaado.

laakiin waxaa wali ka socda Magaalada jowhar dedejinta doorashada Madaxweynaha Maamulkaas

 

 

Latest News

To Top