Local

Cabdi Warsame iyo hoggaamiyeyaasha cusub ee Minneapolis oo la dhaariyey

Waxaa maanta dhaariyey hoggaamiyeyaasha cusub ee loo soo doortay in ay hogaamiyaan magaaladda Minneapolis.

Cabdi Warsame ayaa haddaba isagu kamid ahaa dadkii xilalka loo doortay si rasmi ah loogu dhaariyey. Duqa magaaladda Minneapolis, Jacob Frey iyo saddex iyo tobanka gudoomiye ee iyagu kala matala degmooyinka magaalada ayaa saaka subixii hore xilalkooda loo dhaariyey.

Cabdi Warsame oo ah gudoomiyaha degmadda lixaad ee magaalada Minneapolis ayaa waxaa bishii November ee sannadkii 2017 markale loo doortay afar sanno oo cusub. 

Haddaba hoggaamiyeyaasha cusub ee maanta la dhaariyey ayaa noqonaya kuwo qoray taariikh cusub. Shan kamid ah hoggaamiyeyaasha cusub ee Minneapolis ayaa ah haween, halka shan kale ay yihiin kuwo ka soo jeeda jaalliyadda jinsiga madow ee ku dhaqan dalka Mareykanka. Waana markii u horeysay taariikhda magaalada Minneapolis ay ka soo dhexmuuqdaan siyaasiyiin si rasmi ah u matalaya dhamaan qowmiyadaha kala duwan ee ku dhaqan magaalada. 

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

Latest News

To Top