Wararka Soomaaliya

Bilic samida Wadooyinka Muqdisho oo Dar dar ku socda Daawo Sawirada

Ololahaa qurxinta wadada isku xerta isgooska xamar jajab iyo kan waabari ayaa waxaa sameynaya dhalinyarada degmada xamar jajab oo kaa  shanaya maamulka degmada waxaana uu socondoonaa  mudo sedex maalin ah iyado ulajeedu tahay ka qeyb qaadashada qurxinta bilicda Caasimada Dalka ee Muqdisho.

Maxamed Aadan Rooble gudoomiye ku xigeenka dhalinayarada degmada xamar jajab iyo Cabdikafi Maxamuud Makaraan gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Banaadir oo ka mid ahaa dhalinyarada ka qeyb qaadaneysa qurxinta wadada ayaa waxa ay sheegeen in ay shaqadaan ka mid tahay waajibaadka dhalinyarada ka saaran dhismaha iyo qurxinta Dalkooda Hooyo.

Guudoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada degmada xamar jajajb Cali C/qaadir  Faarax oo  hor kacayay dhalinyarada ayaa ku amaanay isku filnaashada ay muujinayaan dhalinayarada Soomaaliyeed iyago 75% ay yihiin dhalinayaro guud ahaan Dalka  maamulkuna uu si dhaw ula shqaqeyn doono.

Bilihi ugu dambeeyay ayaa waxaa soo kordhayay dhalinyaro iskaa wax u qabso ku qurxinayo laamiyada magalaada muqdisho kuwaas oo wax badan kusoo kordhin doono bilicda caasimada ee muqdisho.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top