Wararka Soomaaliya

Biixi iyo Geele oo wax yaabo badan isla meel dhigay

Magaalada Jabuuti ee caasimada Dowladda Jabuuti waxaa safar ku jooga Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo.

Muuse iyo wafdiga balaaran ee uu hogaaminayey ayaa shalay gaareen Jabuuti.

Ismaaciil Cumar Geele iyo Muuse Biixi Cabdi oo kulan dheer uu dhexmaray maanta ayaa waxay isla meel dhigeen arrimo ay ka mid yihiin marinka u dhexeeya Soomaaliland iyo Jabuuti.

Labadan mas’uul ayaa qalinka ku xariiqay sii xoojinta xagga wanaaga marinka Lowyacade. Waxaa kale oo ay aad ugu wada hadleen xaalufinta khayraadka badda iyo wixii ay ka yeeli lahaayeenba.

Hogaamiyaashan ayaa isku af gartay ilaalinta iyo ka war qabka cidii si sharcidarada ah uguranaysa khayraadka badda in si wadajir ah iskaga kaa shadaan.

Ugu dambeyntii Muuse Biixi waxaa uu ka codsaday Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele in uu ka gacan siiyo Tababarada Xagga Ciidanka Soomaaliland wuuna ka aqabalay codsiga Muuse Biixi Ismaaciil Cumar Geele.

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi waa safarkiisii ugu oreeyay ee uu ku tago Dalka Jabuuti tan iyo Markii la doortay.

 

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top