Wararka Soomaaliya

Askar iyo Saraakiil oo Xabsiga loo dhigay Weerarkii Senator Cabdi Qaybdiid

Ka dib Markii Maanta Hoyga uu ka Degan yahay Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Degmada Hodan Goob Aan sidaas ugu fogayn isgoyska Banaadir Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ay Weerareen Ciidan hubaysan oo watay Gaadiid islamarkaana ay bililiqeysteen Ciidankaas Guriga Cabdi Qaybdiid ayaa waxaa loo Xil saaray dhacdadaas Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya Jeneral Cabdi Wali Jaamac Gorod.

Ka dib Markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo uu Amray in la soo qabto Ciidankaas iyo Saraakiisha Amartayba.

Ciidanka Weeraray Guriga ayaa waxaa la sheegay in ay yihiin Ciidankii ay Tababareen Imaaraadka.

General Cabdi Wali Jaamac Gorod ayaa saxaafadda u sheegay in dhacdadaas ay usoo xireen 40 Askari oo iskuuga jira Saraakiil iyo Ciidankii ay Xukumayeen.

Saraakiisha iyo Ciidankooda ee la soo xiray dhamaan waa Ciidankii ay Tababareen Imaaraadka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneral Cabdi Wali Jaamac Gorod waxaa uu sheegay in 40 Askari Macal Saraakiishooda ay yihiin kuwo ku cadahay in ay Ku lug leeyihiin Weerarka Guriga Cabdi Qaybdiid, Sharcigana la soo taagayo.

Taliyaha waxaa uu warkiisa Ku soo gaba gabeeyay in Saraakiil iyo Ciidan kale ay Ku howlan yihiin in ay usoo xiraan dhacadaan.

ilaa hadda waxaa lala yaaban yahay Cida Amarka bixisay iyo ujeedka laga lahaa Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo Xilga Weerarka uu ka dhacayay Gurigiisa uu ka maqnaa.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top