Somali News

Arrin layaab ku Noqotay Bulshadda Ku nool Magaalada Beledweyne oo Halkaas Kataagan

Dhowaan markii lacagta kunka shilinka Soomaaliga laga diiday gobolada dhexe iyo deegaano ka mid ah Maamulka Puntland iyo Gobolka Hiiraan ayaa waxaa hada soo baxday in Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan gabi ahaanba laga diiday Shilinka Soomaliga ama lacagta Soomaaliga.

Waxaa hada soo baxay in lacagta wax lagu kala gadanayo ay tahay Doolar  iyo lacagta Birta Itoobiya oo kaliya, taasoo Bulshada Danta yar dhibaato weyn ku ah.

Arrintan layaab kaleh ee hada Taagan ayaa waxaa ka mid ah koobka shaaha ah ayaa Beledweyne waxaa uu ka maraya Hal Doolar $1 Doolar.

Arrintan ayaan waxaan ka wareysanay Xildhibaan Cabdi raxmaan Cabdi iidow oo kamid ah Baarlamanka Maamulka Hir-shabeele waxaana uu Tusmotimes.com u sheegay in ka Baarlamaan ahaan ay ka war hayaan.

Wuxuu warkiisa intaas ku daray in ay la yaaban yihiin waxa ay ku dhaqmayaan Ganacsatada Hiiraan Sharciyo laxariira Arintaana ay soo saari doonaan maalmaha soo socda.

Latest News

To Top