Somali News

Al-Shabaab oo ku faanay in ay dileen Rag cadaan ah

Dagaal xalay ka dhacay xero ciidan oo ku taala degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa la sheegayaa in dagaalkaas uu dhex maray Ciidanka Al-shabaab iyo ciidanka Hiil walaal ee dalka Jabuuti ka socda.

Dagaalka ayaa waxaa uu dhacay Xalay saqdii dhexe xili shacabka degmada ay hurdayeen.

Mar qura ayaa shacabka waxay ku baraarugeen dhawaqa Madaafiic culus oo ku dhacaysay xerada ciidanka Jabuuti ee degmadaas.

Ciidanka Shabaab ayaa weeraray saldhiga ay degan yihiin ciidanka Jabuuti.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka Jabuuti ay iska difaaceen Shabaabkii soo weeraray.

Halka warkale uu sheegayo in Shabaabka ay khasaaro geysteen.

Sargaal u hadlay shabaab ayaa waxaa uu warbaahintooda ka sheegay in dagaalkii xalay ee buula burde ay ku dileen Saraakiil canadaan ah in kastoo tiradooda uu san sheegin.

Dhinacakale waxaa arintaas ka jawaabay Saraal u hadlay ciidanka jabuuti waxaa uu isana sheegay in Shabaab ay ka dileen Ciidan tiro badan

Gudoomiyaha Degmada Buula Burde Cabdi Casiis Duurow oo la hadlay Tusmotimes ayaa waxaa uu sheegay in shabaab warka ay sheegayaan uu yahay Been abuur xaalada degmaduna ay hadda degen  tahay.

 

 

Latest News

To Top