Wararka Soomaaliya

Agaasimiyaal Xilka Laga Qaaday Akhri Digreetada

Wareegto kasoo baxday Xafiisa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa xilka looga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha C/llaahi Xayir Ducaale iyo Agaasimihii Waaxda Ganacsiga wasaaradaas C/qaadir Cismaan Maxamed.

Wasiir Maareeye ayaa Agaasimaaasha uu xilka ka qaaday gaar ahaan Agaasimihii guud ee Wasaarada ku eedeeyay maamul xumo iyo wax is daba marin, waxa uu ku amray Agaasimaha xilka laga qaaday in uu si deg deg ah xilka u wareejiyo.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa si KMG ah Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga loogu magacaabay  C/kariin Maxamuud Axmed oo horay u ahaa Agaasimaha Waaxda Mashaariicda iyo xiriirka dowlad goboleedyad.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top