Somali News

Agaasimaha Madaxtooyada Puntland oo lagu dilay magaaladda Boosaaso

Warar degdeg ah oo ka soo baxay magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in magaaladaasi lagu dilay agaasimihii madaxtooyada Puntland ee gobolka Bari.

Aadan Gaas Huruuse, agaasimihii madaxtooyada magaalada Boosaaso ayaa kooxo hubeysan waxay gelinka dambe ee maanta ku dileen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Waxaa la xaqiijiyay in Aadan Gaas uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray rasaas kooxaha hubeysan la dhaceen, xili uu ku sugnaa bartamaha magaalada Boosaaso.

 

Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyada dilka loo geystay Aadan Gaas, waxaana ciidamada Puntland ay baaritaan ka bilaabeen halka lagu dilay agaasimaha.

Toogashada Agaasimaha ayaa ka dhacday Huruuse Hotel oo ku yaal bartamaha magaaladda Boosaaso.

 

Sidoo kale, maalmo ka hor ayay aheyd markii dhaawac uu u geeriyooday taliye ku xigeenkii seddexaad ee ciidamada booliska, waana masuulkii labaad ee mudo todobaad gudahiis lagu dilo magaalada Boosaaso.

Latest News

To Top