Arts & Culture

Abwaan Sadiq Maxamud oo gabay ka tiriyey xaalada magaalada Xalab ( Aleppo)

 

   Abwaan Sadiq Maxamud ayaa gabay gaaban ka tiryey xaalada magaalada Xalib iyo maatada reer Siiriya ee ay dagaalada sokeeye saameeyeen. Abwaanka ayaa gabaygiisa qiirada iyo damqashada leh ku qeexaya xaalada wakhtigan xaadirka ah ku sugan tahay magaalada Xalab. Abwaanka oo ah aqoon yahay ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa barta internet-ka ee Facebook-ga ku soo daabacay gabay uu ugu magac daray “U Gargaar Xalab”.

Xaalada magaalada Xalab (Aleppo) ayaa si aad ah looga dayrinayaa. Waxaa soo baxaya muuqaalo iyo warar sheegaya in ciidamada Dowlada Siiriya ee la wareegeen qeybo kamid ah magaalada Xalab (Aleppo), isla markaasna ciidamadani ay xasuuq ku wadaan dadka shacabka ah. Haddaba hoos ka akhriso gabaygii U Gargaar Xalab ( Aleppo).

U Gargaar Xalab ( Aleppo): Gabay

**********************************

Xaliimoow Ilaahoow, Xaakimkii Aduunkoow, Xikmaddiisu waynoow, Xusuustiisu dheeroow, Xaalad kasta ogaadoow, Xaq soorkiisu simanoow, Daalimiinta xabaassoow, Ka xayuubi guushoo, Ugargaar Xalab oo, Shacabkaa xasuuq iyo Xumaan oo dhan lagu xalay, Ka dul xaabi murugada, Xukun wada xalaal oo, Xuquuqda ilaashiyo, Xasilooni gabi iyo, Xalwaddii nolosha iyo, Xushmaddii usoo celi.

Comments

comments

To Top
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
Seo wordpress plugin by www.seowizard.org.