Health

500 Soomaaliya ayaa u Dhintay Cudurka Daacuunka Sanadkan

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO ayaa war-qoraal ah oo ay soo saartay waxay ku sheegtay in cudurka Daacuunka  uu dilay  in ka badan 500 qof  oo Soomaaliya ilaa bilowgii bishii january ee sanadkan 2017ka

WHO waxay Ka Digtay in tiradda dhimashadu ay labo jibaarmi doontoo muddo labo bilood gudahood haddii  aan waxba laga qaban, iyadoo tilmaamtay in cudurka daacuunka iyo shubanka biyoodku uu ka dhashay biyaha iyo cuntada oo wasookhoobay, taasina ay sababtay in  cudurka soo rito dad gaaraya  25,000 kun oo qof 

Jens Laerke oo ah afhayeenka Hay’adda OCHA, wuxuu sheegay in ilaa saddex Milyan oo qof oo Soomaaliya ay xaalad khatar ah ku sugan yihiin, waxaa kaloo uu xusay in abaaraha iyo biyo la’aantu ay barakiciyeen ilaa shan boqol oo kun oo qof.

wuxuu tilmaamay in Qaramada midoobay aysan filayn wax isbedel ah ugu yaraan lixda bilood soo socota, hase yeeshee aysan doonayn inay dhacdo macaluushii sanadkii 2011ka oo kale oo dad ka badan labo boqol iyo konton kun qof ay u dhinteen gaajo iyo cuduro

” Waxaan ku jirnaa tartan, mana garanayno inaanu ku guulaysan doono iyo inkale” ayuu yiri afhayeenka Hay’adda OCHA

Gabagabadii, Waa abaartii saddexaad ee muddo 25 sanno gudahood ku dhufato Soomaaliya,  iyadoo la sheegay in gargaar bani’aadanimo inay u baahan yihiin ilaa Lix milyan oo Somalia ah oo ku nool dhamaan goboledda jamhuuriyadda Soomaaliya.

Latest News

To Top